Waa muhim in aad wargeliso qofka qiimeynta sameynaya haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo waxyaabahaas oo dhan, ama haddii ay jiraan waqti maalinta ka mid ah oo aadan qabsan karin waxyaabahaas xaaladaada caafimaadka darteed.
La socodsii wax kasta oo aad uga sheegi karto baahidaada caafimaadka ama waxa aadan qabsan karin. Tusaale ahaan, waxa heli kartaa caawinaad badan oo PCA ah haddii xaaladaada caafimaadkaagu tahay mid daran sida dhaawac u baahan daryeel ama qalab gaar ah oo lagu neefsado, ama waxa aad heli kartaa caawinaad dheeraad ah oo PCA ah haddii aad dabeecadaha qaarkood leedahay.
Ku dadaal in aad u faahfaahiso isbedelkaas xaaladda caafimaadkaaga ka dib markii qiimeyntii ugu dambeysay la smeeyey iyo sida aad u maleyneyso in ay saameyn ugu yeelatay adeegga PCAga ee aad u tahay.