Ogow Xuquuqdaada: Waxa aad ka Qabsan karto Minnesota Haddii aadan Sharci lahayn
Warqadan xogta aruursan ah waxaa loogu talagalay dadka aan sharci lahayn. Taa macnaheedu waa in aadan haysan wax sharci ah oo ay bixiso laanta socdaalku (immigration) ama warqado sharci ah si aad ugu noolaato United States. Waxa ay ka hadashaa xaquuqdaadda iyo waxyaabaha aad ka qabsan karto Minnesota. Waxa ayna haysaa akhbaar ku saabsan:
- Helida laysinka gawaarida ama Aqoonsiga Gobolka (ID)
- Guursiga ama furiinka
- Tagida maxkamadaha si ilmahaaga laguugu xukumo
- Shaqeynta iyo lahaanshaha ganacsi
- Helida dhamaan lacagta aad shaqeysatay
- Bixinta canshuuraha iyo furashada akoon bangi
- Helida daryeel caafimaad
- Lahaanshaha ama kiraysiga guri
- Dhigashada Jaamacad
- La macmiltanka hay’adaha sharci ilaalinta
Warqadan xogta aruursan ah waxaa sameeyey iskaashiyo dhexmaray hay’adaha Immigrant Law Center of Minnesota, Mid-Minnesota Legal Aid, Southern Minnesota Regional Legal Services, The Advocates for Human Rights, iyo the Volunteer Lawyers Network. Waxaana gargaaray maalgeliyey laga helay Waaxda Adeegyadda Bulshadda ee Gobolka Minnesota (State of Minnesota Department of Human Services).