Hadii aad calaamadisay “2” Qaybta 1, oo aad ku codsanayso saamixida khidmada sababta oo ah in dakhligaagu yar yahay kolkaa waxa aad u baahan tahay inaad buuxiso qaybtan. Hadii aadan calaamadin lambar “2” Qaybta 1, ka BOOD qaybtan.
Su’aalahaasi waxa ay ku waydiiyaan sida u kasbato lacag iyo cidda kula nool.
Su’aasha 2, “Manfacyada shaqaalaha shaqo la’aanta ah” macnahoodu waa jeeg ka yimaada Gobolka oo aad hesho. Manfaca shaqo la’aanta ah, sidoo kale badanaa waxaa lagaa rabaa inaad tagto meel shaqooyinka laga raajiciyo aadna la kulanto la taliye. Hadii aadan shaqo hayn laakiin aadan ka helayn wax lacag ah ama kulan ah hla taliyaha, kolkaa dooro “maya”.
Shaxanka lambarka 4, u buuxi hal layn oo shaxankan ah qof walba oo qoyskaaga ka mid ah. Waa inaad ku dartaa: naftaada, xilahaaga (hadii ay kula nooshahay ama uu kula nool yahay), ilmaha kula nool, waalidkaa, hadii ay adiga gurigaaga kugula nool yihiin, iyo cidii kale ee aad mas’uul ka tahay ee aad canshuurta celinta ku xareysato. Hadii ilmahaagu ay guursadeen ama ay ka weyn yihiin 24 sanno, xisaabta kuma jiraan mana aha inaad halkan ku qorto. Eeg tilmaaha foomka ama la tasho qareen hadii aadan hubin cidda lagu darayo qaybtan.
Hadii ay jiraan dad kale oo qoyskaaga ka mid ah oo wax ka bixiya lacagta kirada iyo waxyaabo kale, waa aad ku dari kartaa cadadkaa su’aasha 7. Calaamadi santuukha ku xiga “Gargaarka Dhaqaale ee Ilmaha Roon-roon, Cidda Mas’uulka laga yahay, Dadka kale ee la Nool Qoyska” ka dibna ku qor cadadka ay ku siiyaan santuukha.
Waa inaad soo u dirto jeeg dabadood iyo canshuur-celintaadii dhawaan ahayd ee cadaynaya dakhligaaga. Hadii ay jiraan wax isbedelo ah oo xaaladadaada ku yimi intii aad canshuurta xaraysay, u sheeg. Isbedelada waxaa ku jiri kara: inaad shaqadii aad wayday, aad heshay shaqo cusub, laakiin aad ka qaadato lacag ka yar tan tii shaqadii hore, ilmo kale ay kuu dhasheen, furiin, guur, aad heshay shaqo lacag badan leh. Ku qor waxa dhacay meesha banaan ee su’aasha 9.
Eeg inaad xaq u leedahay khidmad saamixida kolka aad isku wada darto dakhligaaga. Si aad uga eegto Habraaca Aqoonsiga Saboolnimada ee Dowlada Dhexe, gal shabakada: http://uscis.gov/I-912P. Riix linkiga yiraa I-912P. Eeg dakhliga tirada dadka ee qoyskaaga ka dibna barbar dhig lambarka. Hadii lambarkaagu uu ka sareeyo, kolkaa waxaa dhici karta inaadan helin saamixida khidmada. Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad ku darto akhbaar ku saabsan dar-xumo dhaqaale oo ku haysata, aadna calaamadisid“3” ee Qaybta 1.
Hadii aad u codsanayso saamixida khidmada sabab ah dakhli hooseyn uun, kolkaa waxa aad u boodi kartaa Qaybta 7.