Dardaaranku uma baahna in maxkamad laga diiwaangeliyo marka la qoro ka dib, laakiin hubi in la heli karo ka dib kolka aad geeriyooto. Waa inaad dhigtid meel amaan ah. Waxaad u dhiibi kartaa qofka aad wakiilatay maadaama qofkani yahay qof aad aamintay oo aad hubtid inuu dardaarankaaga siduu yahay u fulinayo. Ugu yaraan qofka wakiilka aad ka dhigatay waa inuu ogyahay meesha dardaaranka laga heli karo. Hadii aad dhigtay qasnadda guriga kuu taala ama sanduuqaaga bangiga gaysay waa inaad hubisid inay kala soo bixi karaan.
Gobolka Minnesota, maxkamadaha dhaxalka ama xafiisyadda maamulka maxkamadaha ayaa dadka dardaaranka u hayo iyagoon khidmad yar ka qaadanaya. [riix xiriirka (link) ka dibna hoos tag iyo qaybta soo hoos galaysa Probate]. Tani waxa ay la mid tahay adigoo gelinaya santuukha amaanka ah ee alaabta la gashado.
- Maxkamaddu waa inay ka dhigtaa dardaaranka mid qarsoodi ah.
- Xilliga nololshaaddii oo dhan, haddii maxkamaddu ay haysay dardaaranka, waxaa kaliya oo adiga ama qof aad u siisay ogolaashaha inuu hayo la siin karaa haddii codsi qoraal ah la keeno.
- Mas’uul ay maxkamaddu magacowday ama hanti maamule ayaa eegi kara dardaaranka qof mas’uulka laga yahay ama hantidiisa la maamulo.
- Haddii aad u dhiibto dardaarnkaaga maxkamadda, maxkamaddu waxa ay siisaa dardaaranka qolyaha dhaxalkaaga ku shuqulka leh kolka aad geeriyooto.
Hadii qareen kaa caawiyay qoritaanka dardaarankaaga, waxaa laga yaabaa inay kuu soo bandhigaan inay kuu hayaan dardaaranka. Marka hadii qareenku kuu hayo waa in qoyskaaga iyo qofka wakiilka kuu ahiba ay ogyihiin in qareenku dardaarankaagii hayo.