Haa. Laakiin haddii aadan is-qorin kaarka Medicare kolkii aad markii ugu horeeysay xaq u yeelatay, waxa aad haystaa waqti kooban oo aad isku qorto adigoon bixinayn ganaaxa ka soo daahida isqorida. Tan waxaa la yiraa “Mudadda Isqorida ee Gaarka ah.” Mudadaadda Isqorida ee gaarka ahi waxa ay bilaabantaa maalinta aad hesho ogaysiiska ah in kaarkii MA ama MinnesotaCare uu kaa istaagayo. Mudaddan Isqorida gaarka ah waxa ay socotaa 6 bilood ka dib kolka kaarka MA ama MinnesotaCare uu kaa dhamaado.
Kaarkaaga Medicare waxa uu bilowdaa bil ka dib kolka aad isqorto, ama maalinta uu kaarkaaga MA ama MinnesotaCare kaa dhamaado. Adiga ayaa dooran kii aad rabto.
Wixii akhbaar dheeraad ah ee ku saabsan Mudadda Isqorida ee Gaarka ah iyo sidda la isu qoro, ka eeg shabakadda (webiste) Medicare. Ama wac khadka 1-800-MEDICARE (1-800-633-4227). Isticmaalayaasha Dhagaha culusi (TTY) ha wacaan: 1-877-486-2048.