Hadii xarunta xanaano ay qaadato ilmaha jiran laakiin aysana qaadan karin ilmo kale oo ay buuxdo, kolkaa waa ay diidi kartaa inay ilmahaaga qaadato. Tusaale ahaan, hadii ay xaruntu hayso 4 ilmood oo naafo ah, ma ay takoorayso naafanimada ee ma qaadan karto ilmo kale.
Isku day siyaabo kale oo aad ula shaqeyn karto xarunta kale oo ilmaha lagu hayo. Hadii aadan heli karin jid uu ilmahaagu uga qayb geli karo barnaamijka iyadoon shaqaalaha aan hawl siyaado ah ku noqonayn, xataa xarun aan horey u hayn ilmo naafo ah waxaa dhici karta inay qaadato ilmahaaga.
PCA gu wax weyn ayuu ilmahaaga u noqon karaa. Waxaad kaloo siin kartaa shaqaalaha faah-faahino dheeraad oo ku saabsan cuntada. Ama, waxaa aad gelin kartaa barnaamijyo gaar ah qayb ka mid ah maalintii. Hadii aad adiga iyo xarunta xanaanadda ilmahu aad wada shaqeysaan, waxaa dhici karta inaad u hesho xarun xanaano ilmo iyadoo khasab aysan kugu noqon inaad hesho gargaar dhanka sharciga ah.