Haddii dhaxalka qiimihiisu ka yar yahay $75,000, dadka leh dhaxalka ayaa qaadan kara hantidaada gaarka ah iyaga oo aan maxkamad tagin iyaga oo isticmaalaya “Maragkaca Ururinta Hantida Qof Ahaaneed (Affidavit for Collection of Personal Property).”
Waxa aad ka heli kartaa foomkan maxkamadda ama aad ka heli kartaa barta internetka ee www.mncourts.gov.
- Guji “La Soo Bax Foomamka (Get Forms)”
- Guji “Probate (Dhaxalka)”
- Guji “Affidavit for Collection of Personal Property (Small Estate - No Real Estate) Maragkaca Ururinta Hantida Qof Ahaaneed”
Hantida qof ahaaneed oo ay ka mid tahay xisaabaha bangiga, deymaha, warqadaha lacagta (stocks) iyo qalabka guryaha iyo alaabada kale, laakiin aan hayen guriga aad degan tahay iyo hantida ma guurtada ah.
Dhaxal suge, ama qof kale oo lagu magacaabay dardaaranka ayaa tusi kara warqad Dhaarta (Affidavit) bangigaaga ama cidii kale ee haysa hantidaada, ka dibna waydiisan kara inay ku wareejiyaan hantidaadda isaga.
Kuwa leh dhaxalka waa in ay maragkaca, koobi la soo shaabadeeyey ee shaahaadada geerida u keenaan bangiga ama qofka hantida haya. Taas waxaa la sameyn karaa 30 cisho gudahood laga soo bilaabo taariikhda geerida.