Qoraalada Muhiimka ah ee ay tahay inaad Haysato ka hor inta aadan gaarin 18
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa qoraalo muhiim oo aad u baahan tahay, iyo sidda lagu helo iyaga.
Muhiim!
Xasuusnow: Mar walba oo aad u dirayso codsiyo ama qoraalo cid, waa in aad naftaada nuqul ugla hartaa warqadaha aadna meel ku qorataa maalinta aad dirtay.
Helida Nuqul Sugan oo Warqadaada Dhalashada ah
Waxa aad u baahan tahay: Aqoonsi (ID), sawir leh $26.00
Muddo intee le’eg ayey qaadan? 4-6 asbuuc hadii boostada lagu soo diro. Markiiba hadii adigoo xaadir ah aad codsato.
Habka talaabo-talaabada ah:
Ogow: Habraacyadaa waxaa iska leh dadka ku dhashay Minnesota. Hadii aad ku dhalatay gobol kale, gal https://www.cdc.gov/nchs/w2w/index.htm si aad uga hesho habraacyada gobolka aad ku dhalatay. Hadii aad ku dhalatay wadan kale, la xiriir safaarada ama qunsuliyada wadankaaga si aad akhbaar uga hesho.
- Ka hal codsiga khadka ama ka daabaco barta www.health.state.mn.us. (ingiriisi kaliya)
- Guji Get a Birth Certificate
- Dhamaan akhbaarta aad u baahan tahay ee ku saabsan meesha la tago iyo foomka aad u baahan tahay inaad isticmaasho waxa ay ku qoran yihiin boggaa.
Waxaad kaloo wici kartaa (651) 201-5980 si codsi boostada laguugu soo dhigo adiga.
- Buuxi foomka codsiga. Ha saxiixin ilaa iyo inta aad uga tagayso nootaayo. Codsigaaga hawshiisa lama qabanayo hadii aan lagu hor saxiixo qof nootaale ah. Qof nootaale ah waxa aad ka heli kartaa maxkamada deegaankaaga, Waaxda Gaadiidka iyo bangiyada. Iskuulada qaarkood iyana waa ay leeyihiin nootaayo. Waa KHASAB inaad haysato Aqoonsi (ID) sawir leh kolka dukumiintiyada la nootaynayo. Waxaa jiri kara khidmado la iska qaado, laakiin waa inaysan ka badnaan $5.00.
- Boostada soo dhig codsiga dhamayska-tiran, oo ay la socoto lacagta ah $26.00. Waxa aad ku bixin kartaa lacagta jeeg ahaan, jeega idman, waxa aadna ku qori (“Minnesota Department of Health”) ama ku qor akhbaarta kaarkaaga amaahda (credit card) foomka.
Ku soo hagaaji:
Minnesota Department of Health
Central Cashiering- Vital Records
P.O. Box 64499
St. Paul, MN 55164-0499
AMA faaxsi ugu dir codsiga foomka la soo buuxiyey lambarka (651) 201-5740. Hadii foomka faaxsi aad ku soo dirto waxaad u baahan tahay inaad khidmada ku bixiso kaarka amaahda.
OGOW: waxa aad ka codsan kartaa adigoo xaadir ah in nuqul sugan lagaa siiyo warqadaada dhalashada hadii aad rabto in hawshu degdegto. Ka gal xafiiska diiwaangelinta ee degmadaadda halkan: http://www.health.state.mn.us/people/vitalrecords/registrars.html. Degmo-degmo ayey ugu qoran yihiin.
Hadii aad adigoo xaadir ah aad codsanayso, halkaa foomka waa aad ka heli kartaa, buuxina kartaa ka dibna aad u dhiibi kartaa shaqaalaha. Xafiisyada diiwaangelinta intooda badan waa kuu nootaayeyn karaan codsigaaga adiga, isla maalina gudaheedna waa aad ku heli nuqul sugan oo warqadaadda dhalashada ah.
Su’aalaha inta badan la iswaydiiyo
- Da’ intee ah ayaa la rabaa inaa jiro si aan uga helo nuqul warqadayda dhalashada? Hadii aad 16 sanno ka weyn tahay waa aad ka heli kartaa nuqul adigu aad leedahay warqadaadda dhalashada. Hadii aad 16 sanno ka yar tahay, waa aad ka heli kartaa nuqul warqadaadda dhalashada hadii qoraalku uusan qarsoodi ahayn. Hadii aad qabto wax sua’aalo ah oo ku saabsan warqadaha dhalashada ee qarsoodiga ah, wac Hay’ada (Youth Law Project of Mid-Minnesota Legal Aid) ee (612) 332-1441.
- Ka waran hadii qof aan i dhalini uu i korsaday?
Waxa aad ka heli kartaa nuqul warqadaada korsiga. Hadii aad ka rabo nuqul warqadaada dhalasha asalkeeda, waa inaad ugu yaraan 19 sano jirtaa. Xataa kolkaa, waalidkaa waxa ay xaq u leeyihiin inay magacyadooda iyo akhbaar kaleba ay qarsoodi ahaadaan.
Ka Wac Waaxda Caafimaadka (Department of Health) www.health.state.mn.us/ ama (651) 201-5980 si aad uga hesho akhbaar.
- Ka waran haddii aan hoy la’aan ahay?
Haddii aad ka yar tahay da’da 24 aadna haysan meel rasmi ah oo aad ku noolaato, waxa aad heli kartaa nuqul (copy) warqadda dhalashadaada ah oo lacag la’aan ah. Nuqulkani waxa uu dhacaa 6 bilood ka dib taariikhda la soo saaro. Si aad xaq ugu yeelato tan, waa khasab:
- Inaadan la joojin waalidkaa ama cid kaa mas’uul ah aadna haysan hoy lagugu hayo laguguna kormeero, AMA
- Leh waalid ama cid kaa mas’uul ah oo aan ku siin karin ama aan doonayn in ay ku siiso hoy, AMA
- Ama aadan haysan goob aad ku hoyoto oo sugan, joogta ah laguna qanci karo.
Waxaa dhici karta inaad u baahato inaad hesho qof taakuleeya dhalinyaradda hoy la’aanta ah si uu u cadeeyo qofka aad tahay ama xaaladdaadda hoy la’aanta ah. Waxaa jira codsi u gaar ah (different application) oo ay leeyiiin dhalinyaradda hoy la’aanta ah.
Ka Wac Waaxda Caafimaadka (Department of Health) www.health.state.mn.us/ ama (651) 201-5980 si aad uga hesho akhbaar.
Helida Kaarka Aqoonsiga (ID) ah ee Gobolku bixiyo
Waxa aad u baahan tahay: Hal Aqoonsi (ID), oo aasaasi ah, Hal Aqoonsi (ID), oo kale iyo $21.50.
Tusaale ahaan: Qoraalada Aqoonsiga (ID) ee Aasaasiga ah
- Warqad Dhalasho oo Sugan
- Dal-ku-gal (Passport) US oo Shaqeynaya
- Warqada Korsashada
Tusaale ahaan: Qoraalada Aqoonsiga (ID) ee Labaad
- Kaar Soshal Sakuuratiga (Social Security)
- Qoraalka Buudooyinka Dugsiyada Sare (fasalada 7-12)
- Kaarka Aqoonsiga (ID) Dugsiyada Sare (fasalada 7-12) oo leh magac, sawir, iyo taariikhda dhalashada ama Lambar Aqoonsi (ID)
Muddo Intee le’eg ayey qaadan? 2 asbuuc
Habka talaabo-talaabada ah:
- Adigoo tagaya ka codso Rugta Adeega ee deegaankaaga (Service Center) ama Xafiiska Adeegyada Darawalada iyo Adeegyada Gaadiidka. Goobaha Xafiisyada (DVS Office) waxa ay ku qoran yihiin halkan:https://dps.mn.gov/divisions/dvs/locations/Pages/find-office-locations.aspx
- Hubi inaad wadato hal aqoonsi oo aasaasi ah iyo hal aqoonsi oo labaad iyo lacagta. Waxaad kaloo tusi kartaa 2 aqoonsi (ID) oo nooca aasaasiga ah.
Ma heli karaa Kaar Aqoonsi (ID) Haddii aan Ahay Qof Dhalinyarro ah oo ay Hoy la’aani Haysato?
Haddii aad 24 sanno jir tahay ama aad ka yar tahay, aadna hoy la’aan tahay, waxa aad heli kartaa kaarka qaoonsiga (ID) ee caadiga ah ee Minnesota oo lacag la’aan ah. Kaarkani ma aha laysinka darawalada. Adigoo xaadir ah ka dalbo Xafiiska Adeegyada Darawalada iyo Gaadiidka ee Minnesota. Ka hel xafiiska deegaankaaga barta https://dps.mn.gov/Pages/Offices-Locations.aspx.
- Riix Hel Goob kuu Dhow Adiga (Find an Office Location Near You)
- Geli ziib koodkaaga ka dibna ka dooro Laysinka Darawalka ee Caadiga ah/Aqoonsi (ID) falaarta hoos u jeeda ee Adeegyada
Uma baahnid in waalid saxiixo codsiga. Uma baahnid inaad haysato warqad dhalasho iyo foomka xaqiijinta xaq u yeeladka oo uu saxiixay shaqaale ka tirsan hay’adda adeegyada bulshada, shaqaale iskuul ama hawl-wadeen bulsho oo iskuulka jooga. Ka hel foomka xaqiijinta xaq u yeeladka barta https://dps.mn.gov/. Geli “Homeless verification form” (foomka xaqiijinta hoy la’aanta) laynka baarida akhbaarta dhinaca kore ee midig ee bogga, riix “Enter” ka dibna riix Galka Shakhsiga ah (PDF) ee liiska soo baxa ee meesha oranaysa “Homeless Youth ID” (Aqoonsiga (ID) Dhalinyaradda Hoy La’aanta ah).
Helida Kaar Sooshal Sakuurati ah oo kii hore kuu bedela (Social Security)
Waxa aad u baahan tahay: Waa khasab inaad cadeyso da’daada iyo cidda aad tahay. Cadeynta ugu fiicani waa Aqoonsi (ID) sawirkaaga leh IYO taariikhdaada dhalashada. Hadii aadan kaa haysan waxa aad u baahan tahay 2 Nooc oo Aqoonsi (ID)- mid ay ku qoran tahay taariikhdaada dhalashada iyo mid leh sawir ama tilmaam adiga kugu saabsan. Kaar Sooshal Sakuuratigu (Social Security) waa lacag la’aan.
Hadii aadan ku dhalan wadanka U.S., laakiin aad tahay muwaadin U.S., waxa aad u baahan tahay inaad la timaado dukumiintiyo cadeynaya cidda aad tahay iyo inaad tahay muwaadin U.S. Haddii muwaadinimaadda aan jaa wali laga diiwaangelin Maamulka Sooshal Sakuuratiga (Social Security Administration).
Si aad u cadeyso inaad muwaadin tahay, waxa aad u baahan tahay:
- Dal-ku-gal (Passport) U.S. ama Warqad Cadeynaysa Muwaadinimo
- Cadeyn Warbixin Dhalasho
- Warbixin Qunsuliyadeed oo ah khaarijka ku Dhalasho
IYO
Si aad u cadeyso cidda aad tahay, waxa aad u baahan tahay:
- Kaarka Aqoonsiga (ID) Dugsiyada oo magac iyo sawir leh
- Qoraalo kale oo Iskuulku leeyahay oo iskuulku hayo
- Nuqul sugan oo ah qoraalada caafimaadka
- Qoraalo diimeed
- Amar ilmo korsasho ah
- Aqoonsiga (ID) Gobolka
Hadii aadan ku dhalan wadanka U.S, waxa aad u baahan tahay inaad la timaado cadeyn ah sharciga (immigtration) wadanka aad ku joogto iyo cida aad tahay.
Si aad u cadeyso sharciga (immigration) wadanka aad ku joogto, waxa aad u baahan tahay:
- Kaarka Deganaanta Rasmiga ah (green card)
- Dukumiintiga Shaqo u Ogolaanta (Ruqsada Shaqada), ama
- I-94
IYO
Si aad u cadeyso cidda aad tahay, waxa aad u baahan
- Kaarka Aqoonsiga (ID) Dugsiyada oo magac iyo sawirba leh
- Qoraalo kale oo Iskuulku leeyahay oo iskuulku hayo
- Nuqul sugan oo ah qoraalada caafimaadka
- Qoraalo diimeed
- Amar ilmo korsahso ah, ama
- Aqoonsiga (ID) Gobolka
Muddo Intee le’eg ayey qaadan? 4-6 Asbuuc
Habka talaabo-talaabada ah:
- Gal shabakada www.ssa.gov/online/ss-5.pdf si aad uga hesho foomamka. Waa aad ka daabacan kartaa ka dibna buuxin kartaa ama waxa aad ka buuxin karaa khadka (online) ka diba daabacan kartaa.
- Hadii aad ku nooshahay Degmooyinka, Anoka, Carver, Chisago, Dakota, Hennepin, Isanti, Ramsey, Scott, ama Washington la tag codsiga saxiixan iyo dukumiintiyada aqoonsiga aad u baahan tahay:
Rugaha Adeegyada SSA ee agagaarka Magaalooyinka Mataanaha ah oo
(furan 9sub -4gal)
Greater Twin Cities SSA Service Center
1811 Chicago Ave., Suite 2
Minneapolis, MN 55404
Hadii aad ku nooshahay degmooyinka kor ku xusan, sidoo kale codsigaaga boostada ayaad ayaad ku soo diri kartaa. LAAKIIN, waa inaad la soo dirtaa dukumiintiyada asalka ah ee aad u bixinayso cadeyn ahaan (ID iwm). Ma soo diri kartid nuqulo sawir ah kaliya.
Hadii aad ku nooshahay meel dibada ah degmooyinka kor ku xusan.Waxa aad ka codsan kartaa xafiiska SSA ee deegaankaaga. Xafiisyadaa waxaa laga heli karaa: https://secure.ssa.gov/apps6z/FOLO/fo001.jsp.
- Uma baahnid inaad ka wayn tahay 18 sanno si aad u codsato kaar SSA ah oo laguugu bedelayo kaagii hore.