Ka bilow inaad la hadasho qolada guriga, adigoo u sharxaya sharciga eegayana inaad heshiisaan. Nuqul ka tus warqadan xaqiiqda. Hadii aydnaan heshiin, waxa aad xareysan kartaa ashtako. Waxaa dhici karta inaad heli karto amar maxkamadeed oo kuu ogolaada inaad haysan karto xayawaan. Waxaad kaloo heli kartaa lacag maqdhow ah hadii aysan kuu ogolaan qoladu inaad haysan karto xayawaan, laakiin waa inay kuu ogolaadaan.
Hadii aad tahay dan yar aadna, ka wac xafiiska gargaarka sharciyada (legal aid) ee deegaankaaga 1-(877) 696-6529. Ama ka eeg caawimaad barnaamijyadda kale ku jira barta: www.lawhelpmn.org/so/providers-and-clinics.
Waxaad kaloo ka xareysan kartaa ashtako hay’ad dowli ah. Kiiska iyaga ayaa baari iyadoon wax lacag ahi adiga kaaga bixin. Waxaa dhici karta inay kaa caawiyaan inaad heshiis gaartaan ama waxaa dhici karta inay kiis dacwo ah ku furaan qolada guriga. La xiriir:
MN Department of Human Rights
Griggs Midway Building
540 Fairview Ave North, Suite 201
St. Paul, Minnesota 55104
Telefan: (651) 539-1100 ama 1(800) 657-3704
MN Relay: 711 or 1-(800) 627-3529
Khadka ka gargaarka takoorka (helpline): 1-(833) 454-0148
Housing and Urban Development (HUD)
Minneapolis Field Office
212 Third Ave South, Suite 150
Minneapolis MN 55401
Telefan: (612) 370-3000
Housing and Urban Development (HUD)
77 West Jackson Boulevard, Suite 2600
Degdeg ugu dhaqaaq hadii aad xareysanayso ashtako! Mar kasta oo aad degdeg u wacdaa, waa mar kastoo ay u badan tahay in wanaag ka soo baxo dacwada. Waxaa jira waqtigo kama dambays ah oo la xareysan kiisaska! 1 sanno ashtakooyinka laga xareysanayo hay’ada kasta oo dowli ah ama dacwo la cuskanayo sharci gobol, iyo 2 sanno dacwooyinka sharci dowlada dhexe leedahay la cuskanayo.