Waxaa jira siyaabo badan oo aad racfaan uga qaadan kartid.
Si toos ah:
Waxaad buuxin kartaa fill out a form and submit your appeal oo toos ah. Waxaad tagtaa: https://mn.gov/dhs/.
- Guji halka “Sidee u sameeyaa (How I do)” sanduuqa bogga dusha sare kaga yaal
- Hoos ka eeg “Raadi” Guji “edocs and forms”
- Guji luqadaada
- Garaac tirade 0033 baarta raadinta
Waxaa jira tilmaan bixin iyo foom. Si taxadar leh u akhri wax kasta, buuxi foomka dhamaantiis, dabadeedna Guji “Dir” oo ku qoran dhanka hoose ee midig. Waxaa ra’yi fiican ah in aad koobi ka daabacato.
Waxaad kaloo daabcan kartaa foomka oo maran, haddad rabto in aad gacanta ku buuxiso oo aad adigu dirto.
Boostada ama fakis:
Foomka waxaad ka heli kartaa degmada. Waxba kuma jabna haddii aaadan dooneyn in aad isticmaasho foomka, waxa keliya oo aad qortaa warqad oo boostada dhig ama fakis ku dir.
Sheeg go’aanka aad racfaanka ka qaadanaysid iyo sababta aad u qaadanaysid racfaanka.
Haddii aad rabto in gargaarku kuu sii socdo inta racfaanka lagu jiro, waxaa jira waqti xadiddan. Hoos ka fiiri ” ugu horeyn goormaan racfaan qaadan karaa”.
Waxaad hubisaa in aad racfaanka ku qortay tirsiga galkaaga dacwo, iyo taariikhda warqadda. La har koobi, waxaad warqadda racfaanka u dhiibi kartaa u qaybsanaha howshaada ee degmada jooga.
Waxaa kaloo aad ku diri kartaa boostada ama fakis ugu diri kartaa:
Xafiiska racfaanka ee u qaabilsan degmada Waaxda adeegyada bani’aadanka ee MInnesota
P.O.Box 64941
St. Paul, MN 551640941
Fax (651) 431-7523