Hadii adiga, xilo, ilmahaaga, walaalahaa, ama waalidkaa ay yihiin dhibanayaal dambi laga galay. Waxaa dhici karta inaad codsato martabada U. Xataa hadii qofka qoyska ka tirsan ee dambiga looga galay Mareykanku (U.S.) uu yahay muwaadin Mareykan (U.S.) ah waxaa dhici karta inaad wali xaq u yeelato martabada U.
Hadii aad codsanayso martaba U, xilahaaga iyo ilmahaaga aan guursan ee ka yar 21 sanno waa ay kula codsan karaan adiga da’ kastaba ha jiraane. Hadii aad ka yar tahay 21 sanno kolka aad codsanayso martabada U, waalidkaa iyo walaalahaaga ka yar 18 ka sanno ee aan wali guursani iyana waa ay kula codsan karaan.
Sidoo kale, hadii aad ahayd dhibane loo gaystay dambiyada xaqqa loogu yeesho martabadan oo ka dhacay wadanka (U.S.) dhexdiisa meel kasta ha noqotee, waxaa dhici karta inaad codsato fiisaha U. Waxaa iyana dhici karta inaad codsato fiisaha U hadii aad ahayd dhibane dambiga loo geystay isagoo wadanka (U.S.) meel dibada ka ah jooga laakiin dambigaasi uu xadgudub ku ahaa sharci wadanka (U.S.) uu leeyahay. Waa aad codsan kartaa fiisaha U xataa hadii aadan hada joogin wadanka (U.S.).
Ma aha in dhamaan dhibanayaasha dambiyada laga galaa ay heli karaan fiisaha U. Waxa ay ku xiran tahay dambiga iyo sida uu dambigu kuu saameeyey iyo waxyaabo kale. Eeg qaybaha hoose ee xaq u yeeladka ku saabsan.
Hadii aad aaminsan tahay in adiga ama qof kale oo qoyskaaga ahi ay dhici karto inuu xaq u yeesho martabadan, wac qareen qaabilsan sharciyada laanta socdaalka si uu kuu caawiyo.