Hadii aad guursato Muwaadin Mareykan (U.S.) ah ama Deganaansho Rasmi ah, waxaad heli kartaa sharci deganaansho ah oo aad ku qaadato guurka. Hadii guurkaaga uu jiray muddo ka yar 2-sanno, waxa lagu siin sharciga deganaanta shuruudlaha ah intii lagu siin lagaa sharci Deganaansho Rasmi ah. Sharciga Deganaanta shuruudalaha ahi waxa uu jiraa 2-sanno kolkaa kaarka deganaanta shuruudlaha ahi waxa uu shaqeyn uun 2-sanno (marmarka qaarkood waxaa loogu yeeri “sharciga labada sannadlaha ah.” Sharciga deganaanta ee shuruudlaha ahi waa uu ka duwan yahay kan daganaanshaha rasmiga ah. Sharciga Deganaanshaha Rasmiga ahi ma uu dhaco. Kaarka Deganaanshaha Rasmiga ahi waxa uu shaqeeyaa 10 sanno kolkaa ka dib waa in la bedelo.
Hadii aad haysato sharci daganaansho shuruudle ah aadna doonayso inaad sharci Deganaansho rasmi ah aad qaadato, xareyso arjiga Foomka I‑751, oo ah Arji looga Qaado Shuruudaha Deganaanta. Ogow: Deganaha shuruudlaha ahi MA AHA foomka I-90. Hadii wali aad qofkii isqabtaan 2 diinu waxa aad wada jir u xareysanaysaan foomka I-751 xiliga 90-cisho ah ee ah ka hor waqtiga dhicida kaarka deganaanta shuruuda leh ah.
Laakiin, hadii qofka aad isqabtaani uu tacadi gayste yahay ama caafid ahaan uu kuu xasdo, ama hadii guurkii uu dhamaaday, kolkaa waxaa aad xareysan kartaa Foomka I-751 kaligaa. Waxaa roon in la xareeyo ka hor inta uusan kaarku dhicin Haddii aad adigu kaligaa aad xareysanayso, uma baahnid inaad sugto ilaa 90 cisho ka hor inta kaarku uusan dhicin. Kiisaska qaarkood, waxaa dhici karta inaad xareysan karto ka dib kolka uu kaarka deganaanta shuruudlaha ahi uu dhaco.
Xataa haddii kaarku uu dhaco, wali farsamo ahaan waxaa aad leedahay sharci deganaansho ah oo shuruudle ah. Haddii aadan xareysan arjiga I-751 ka hor inta uusan kaarku dhicin, waxaa lagaa saari karaa wadanka ama waxaa laguu gudbin karaa maxkamada laanta socdaalka (immigration) ee wadanka dadka ka saarta.