Haddii aad ka shaqaysid Minneapolis ama St. Paul oo loo shaqeeyahaaga ay u shaqeeyaan wax ka badan 6 qof oo shaqaale ah, waxaa lagu siinayaa fasax ku maqnaansho bukaan iyo sharciga maqnaanshaha nabadgelyada. Waxaad maqnaanshahaas u isticmaali kartaa in aad ku doonato gargaar xagga fulinta sharciga, in aad hesho la talin, iyo adeegyada kale ee la xiriira xadgudubyada qoyska ka dhex dhaca, ama galmoodka khasabka ah, ama dhib kaaga timid daba gal lagugu faduulinayo adiga ama qof qoyska ka mid ah oo aadan sheegayn.
Haddii aadan ka shaqayn Minneapolis ama St. Paul, sharrciga Minnesota wuxuu qabaa in loo shaqeeyuhu u ogolaado in shaqaalaha ay isticmaalaan fasaxooda kaydka u ah si ay u raadsadaan mucaawino xagga fulinta sharciga, u helaan la talin, iyo adeegyada kale ee la xiriira xadgudubyada qoyska ka dhex dhaca, ama galmoodka khasabka ah, ama dhib kaaga timi daba gal lagugu faduulinayo adiga ama qof qoyska ka mid ah oo aadan sheegayn. Sharcigaan ayaa ku daboolaya haddii aad shaqada haysay ugu yaraan 12 bilood oo aad ugu yaraan shaqaynaysay waqtiga barkiis.
Xubnaha qoyska ee sharcigaani daboolayo waxaa ka mid ah caruurta, xaaska, walaalaha, waalidka, soddogga ama sodohda, ilmaha awoowe ama ayeeyo loo yahay, iyo adeeraa hooyo/aayadaa
Haddii aan loo shaqeeyuhu lahayn nidaamka mushahaar bixinta bukaan ku maqnaansho, kuma aha waajib in ay ku siiyaan mushahaar inta aad maqnayd. Laakiin haddii aad tahay dhibane dambi, waxaa laga yaabaa in aad mucaawimo ka heshid Guddiga Minnesota ee Magdhowga dhibanayaasha Dambiga.
Guddiga Magdhowga Dhibanayaasha Dambiga ee Minnesota
Waxa aad codsan kartaa caawinaad haddii ugu yaraan ay kaa baaqatay mushahar le’eg $50 ay sabab u tahay xaaladaan kugu dhacday. Tan waxaa ku jira mushaharka kaa baaqday. Si aad u codsato, waa in aad ku wargelisay booliska 30 maalmood gudohood marka ay wax dheceen, waa in aad la shaqaysaa baaritaanka iyo dambi ku oogidda , waana in aad xeraysaa dacwad 3 sanno gudohood.
Haddii aad rabto macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan magdhowga ama foomamka codsiyada, la xiriir:
Minnesota Crime Victims Reimbursement Program
(Guddiga Magdhowga dhibanayaasha Dambi ee Minnesota)
Office of Justice Programs, Minnesota Department of Public Safety
445 Minnesota Street, Suite 2300
St. Paul, MN 55101-1515
1 (888) 622-8799 or (651) 201-7300
https://dps.mn.gov/divisions/ojp/help-for-crime-victims/Pages/crime-victims-reimbursements.aspx