Waxaa jira 4 talaabo oo lagu codsado warqad shaqo.
1. Buuxinta Foomka I-765.
Gal barta uscis.gov/i-765 ama mari koodka QR (QR code) si aad u hesho daabicaadii ugu dambeysay ee foomka. Waa khasab inaad buuxiso daabacadii ugu dambaysay ee foomka. Hay’ada USCIS ma ay aqbali codsigaaga haddii aad isticmaasho foomkii hore. Daabacaada foomku waxa ay ku qoran tahay geeska hoose ee bidix ee bog walba. Tusaale ahaan: Waxa ay oran kartaa, “Daabacaadda 08/28/24”. Waxaa jira tilmaamo ku saaban “Sidda loo Buuxiyo Foomka I-765” oo ku jira warqadan xogta aruursan.
2. Soo aruuri dukumiintiyada lala dirayo codsigaaga.
La dir 5 waxyaabood codsigaaga warqadda shaqada:
- Foomka I-765 oo Buuxsan.
- Nuqul ah 1 dukumiinti oo ku cadeynaya adiga. Dukumiintigu waa khasab inay bixisay dowladda United States ama wadan kale dowladdii. Haddii dukumiintu uusan Ingiriis ahayn, waa khasab inaad turjunto. Tusaalooyin dukumiintiyada waxaa ku jira:
- Warqad shaqo oo hore haddii aad cusboonaysiinayso codsigaaga.
- Dal-ku-gal (passport) leh sawirkaaga, magacaaga iyo taariikhdaada dhalashada
- Warqad dhalasho hadii ay leedahay sawirkaaga. AMA warqad dhalasho IYO Aqoonsi (ID) sawir leh
- Fiise (Visa) ay bixisay qunsiliyad ajnabi ah
- Dukumiinti Aqoonsi (ID) ah oo heer qaran ah oo sawir leh iyo/ama faro la qaaday leh.
- Nuqul ah 1 dukumiinti oo cadeynaya sharcigaaga laanta socdaalka/xaq u yeeladka inaad shaqeyso. Tusaalayaasha dukumiintiyadda la aqbali karo waxaa ku jira:
- Diiwaanka Gelitaanka-Bixitaanka ee I-94
- Go’aan uu soo saaray Xaakim laanta socdaalka (immigration) ka tirsan
- Go’aan USCIS ay gaarto sidda magengelyo ama VAWA
- Rasiid ogaysiis ah oo muujinaya in codsi sharci ku uxareysan yahay
- Labo sawir oo kuwa dal-ku-gal ah (passport) oo 2-hiish x 2-hiish ah. Waxa aad isaga qaadi kartaa sawirada dal-ku-gal ah dukaamada sida CVS, Wal-Mart, ama Target.
- Khidmad AMA codsiga saamixida khidmada (HADII loo baahdo). Gal uscis.gov/feecalculator si aad eegto in lagaa rabo inaad bixiso khidmad si aad u codsato. Dhamaan codsiyada oo dhami uma baahna in khdimad la bixiyo.
- Haddii khidmad la iska rabo, soo dir lacagta idman (money order) ama jeeg. Lacagta idman ayaa ah sida ugu fiican ee lagu bixiyo.
- Haddii aadan awoodin inaad bixiso khidmadda, dalbo khdimad saamixid. Barta LawHelpMN ee shabakada (website) waxa ay haysaa xog aruursan oo ku saabsan sidda lagu dalbado khidmad saamixida. Gal: Saamixida Khidmadaha Laanta Socdaalka
3. Nuqul ka Sameyso codsigaaga.
Nuqul ka sameyso Foomkaaga I-765 iyo dukumiintiyadda aad la dirayso codsiga. Nuqul naftaadda ula har si aad u haysato.
4. U dir codsigaaga hay’ada Muwaadinka iyo Adeegyadda Laanta Socdaalka ee (USCIS).
- Boostadda ugu dir codsiga adigoo ku hagaajinaya ciwaanka ku haboon nooca xaq u yeeladkaaga. Noocaaga xaq u yeeladku waxa uu ku hoos jiraa su’aasha 27 qaybta 2 ee Foomka I-765. Gal barta uscis.gov/i-765-addresses si aad u hesho ciwaanka boostada.
- U sheeg Xafiska Boostadda inaad u baahan tahay inaad la socoto codsigaaga kolka aad dirto. Ka gado la socod Xafiiska Boostadda si kolkaa aad u ogaato kolka codsigaagu la geeyo meeshii loogu talagalay. Hubi inaad hesho cadeyn ama rasiid kolka la geeyo.