Waxaa jira 6 talaabo oo la raaco si kiiskaaga dib loogu furo.
1. Buuxi codsi dib loogu furayo amar maqnaasho ah.
Tilmaamo iyo tusmo ayaa ku jira qaybta “CodigaTusmadda ah ee Dib u Furida Amarka Maqnaashaha” ee warqada xogta aruursan. Nuqul (copy) banaan oo codsiga ah ayaa laga heli karaa barta LawHelpMN.
2. Soo aruuri qoraalada aad la dirayso codsigaaga.
Soo dir 4 waxyaabood:
- Codsiga Dib u Furida Amarka Maqnaashaha ah.
- Daliil cadeeysa sababta aad u gaftay qaadida dacwada. Waxa jira tusaalooyin daliilaha ah oo qayb ka ah “CodigaTusmadda ah ee Dib u Furida Amarka Maqnaashaha” ee warqada xogta aruursan.
Foomka Bedelida ciwaanka/akhbaarta la soo xiriirida. FoomkaEOIR-33 (Form EOIR-33) waxa uu jiraa barta: justice.gov/eoir/file/640016/dl?inline
- Rasiidka khidmada AMA codsiga khidmad saamixida
- Magangelyo dalbadayaasha: Khidmadi ma jirto. Waa khasab inaad la soo dirto dalbashadaada magangelyadda (Form I-589) codsigaagga.
- Cid walba oo kale: waxaa jirta khidmad $145 oo la bixiyo si loo xareeyo codsi dib u furid ah. Soo dir codsiga khidmad saamixida (Form EOIR-26A). Ka hel foomamka barta: justice.gov/eoir/page/file/1237856/dl.
- Haddii lacag badan aad sameyso si aad xaq ugu yeelato ka saamixida khdimadda: La hadal qareen yaqaan xeerarka laanta socdaalka. Waa khasab inaad bixiso khidmadda ka hor inta aadan xareyn codsigaaga aadna soo dirto rashiidka lacaga bixinta.
3. Ka samee 3 nuqul codsiga iyo dukumiintiyadda gargaaraya. Kala har 1 nuqul wax walba.
4. Boostadda ugu dir 1 nuqul oo codsiga iyo dukumiintiyadda gargaaraya maxkamadda amartay in wadanka lagaa saaro.
Hel magaca iyo ciwaanka maxkamadda amartay in lagu saaro:
5. Boostadda u dhig 1 nuqul oo codsiga iyo dukumiintiga gargaaraya ah qareenka dowladda ama “xafiiska OPLA.”
Tan waxaa kaloo la yiraa “u geynta qareenka dowlada.” Tani waa ay ka duwan tahay ciwaanka maxkamadda. Si aad u hesho xafiiska OPLA ee maxkamadaada loo xil-saaray:
- Wac maxkamada amartay in lagu saaro. U sheeg inaad isku dayeyso inaad xareysato codsi dib u furid amar maqnaansho ah. Waydii magaca iyo ciwaanka xafiiska OPLA ee loo xil-saaray maxkamadaadda.
6. Eeg in kiiskaaga dib loo furay.
Maxkamaddu waxa ay boostadda kuu soo dhigi warqad ku saabsan go’aankeeda. Haddii kiiska dib loo furay, balan cusub oo dacwo qaadiddaada ah ayaa lagu qaban. Wax ka eeg khadka (online) ka si aad u eegto inaad balan dacwo qaadid ah leedahay iyo in kale. Waxaa laguu sheegi, taariikhda, waqtiga, iyo goobta dacwo qaadidaada.
- Telefan ahaan. Ka wac EOIR khadka ah 1-800-898-7180. Geli A-Lambarkaaga (A-Number) ama “Lambarka Diiwaagelinta Ajbaniga.” Isticmaal taxaalka kala doorashada waxyaabaha si aad u eegto taariikhda iyo waqtiga dacwo qaadidaada. Khadku waa afafka Ingiriiska iyo Isbaanishka. Riix 2 si laguuga caawiyo afka isbaanishka.
- Khadka (online). Gal barta acis.eoir.justice.gov. Geli A-Lambarkaaga (A-Number). Fiiri “Akhbaarta Dacwo Qaadida Xigta” iyo “Akbaarta La soo Xiriirika Maxkamadda.”