Badanaa, guriga dibada ugama noolaan kartid aan ahayn inaad:
- Ka haysato ogolaansho waalidkaa ama mas’uulkaaga
- 18 sanno jirto ama aad ka weyn tahay
- Aad guursatay
- Aad ka tirsan tahay ciidamada qalabka sida ama
- Aad haysato amar maxkamaeed oo oranaya gooni waad noolaan kartaa
Haddii waalidkaa uu horey u ogolaaday inaad kaligaa meel degto, waa ay isbedeli karaan – aan ka ahayn inaad haysato amar maxkamadeed oo oranaya waa aad ku noolaan kartaa meel iyaga ka dheer. Hadii aadan ku noqon, waxa ay ka bilaabi karaan kiis baxsi ah maxkamad si ay kuu soo celiyaan.
LAAKIIN
Hadii aad ka baqayso in wax lagugu yeelo ama lagugu dayaco guriga, taa u sheeg bilayska ama hawlwadeenka hay’ada ilaalinta ilmaha ee degmadda. Waxaa aad codsan kartaa amar maxkamadeed si uu kuugu ogolaado inaad la noolaato qof kale ama aad kaligaa u noolaato. Waxaad kalood ka wici kartaa Barnaamijka Sharciga Dhalinyarada (Youth Law Project) khadka ah (612) 332-1441 ama waxaad emayl ugu dir ciwaanka ah youthlawproject@mylegalaid.org.