Haynta Ilmaha ee Qolada Sedexaad
Warqadan xogta aruursan ahi waxa ay ka hadashaa sidda aad ku heli kartid haysasho ilmo, xataa adigoon ahayn waalidka ilmahaa dhalay.
Fahmida Haynta Ilmaha ee Qolada Sedexaad
Haynta sharciga ah macnaheedu waa xaqqa lagu go’aansan karo arrimo waaweyn oo ku saabsan ilmaha. Kuwaasi waa go’aamada sida, daryeelada caafimaad, diinta iyo halka ay iskuulka ka dhigan.
Haynta ilmaha macnaheedu waa la noolaanta iyo daryeelida nolosha ilmaha ee maalinle ah.
Minnesota, hadii labada waalid aysan isqabin markii uu ilmahu calool galay ama uu dhashay, hooyada ayaa iska leh xaqa haynta sharciyeysan iyo mida la noolaanta ilmahaba inta maxkamadi ka xukumayso wax taa ka duwan. Aabaha aysan hooyada isqabin waa khasab inuu cadeeyo aabanimo ka hor inta uusan codsan xaqqa haynta la noolaanshaha ah iyo mid sharciga ah. Wixii akhbaar ah ka eeg warqada xogta aruursan ee Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha.
Lamaanayaasha isqabaa waa ay wadaagaan haynta la noolaanshaha ah iyo mida sharciga ah ee ilmaha u dhasha umana baahna amar maxkamadeed.
Haynta ilmaha ee qolada sedexaadi waa marka maxkamadu ay siiso xaqqa haynta la noolaanshaha ah iyo mida sharciyanka ah ee ilmaha qof aan ahayn waalidka ilmaha dhalay. Qofkan caynkaa ah waxaa la yiraa hayaha ilmaha.
Sidee ayey haynta qolada sedexaadi uga duwan tahay mas’uul ka ahaanta ama korsashada Ilmaha?
Mas’uuliyad cid ka noqoshada sharciga ah waxaa loo abuuri karaa sababo kale duwan. Waxa ay noqon kartaa iyada oo sababtu tahay:
- xaquuqdii waalidnimo ee labada waalidka oo la xayuubiyey
- xaquuqdii waalidnimo ee waalidka kaliya ee nool oo la xayuubiyey
- labadda waalidba ay dhinteen
- waalid uu u baahan yahay inuu mas’uul ka noqdo ilmahiisa oo 18 sanno jir noqon raba laakiin leh naafanimo aad u weyn
Hadii ilmaha la korsaday, kolkaa daryeelaha ilmaha ayaa waxa uu noqdaa waalidka sharciga ah ee ilmaha. Korsiga, xaquuqda waalidka ilmaha iyagu dhalay waa joojiyaa.
Xaquuqda waalidku lagama qaado kolka qolo sedexaad loo dhiibayo ilmaha. Xataa hadii qof la siiyo haynta ilmaha ee qolada sedexaad, waalidka waxaa lo ogolaan karaa inay helaan waqti waalid waxaana dhici karta in laga rabo inay bixiyaan masaariifta kaalmada ilmaha. Xataa hadii qof la siiyo haynta ilmaha ee qolada sedexaad, ilmahu wali waa ilmihii waalidka kolka ay noqoto dhanka dhaxalka iyo xaqqa saashal sakuuratiga (social security).
Sida ay haynta qolada sedexaadi uga duwan tahay Wareejinta Awooda Waalidnimo (DOPA)?
(DOPA) waxaa sameeya kolka waalidku uu doonayo in cid kalee ugu hayso ilmahiisa si ku meelgaar ah. (DOPA) maxkamada lagama xareeyo. Waalidku markii uu rabo ayuu joojin karaa (DOPA). Eeg warqada xoga aruurinta ee Wareeginta Mas’uuliyada Waalidka (DOPA).
Haynta Qolada Sedexaad waxaa bilaaba qof aan ahayn waalid, kolka qofkaasi uu doonayo inuu si rasmi u hayo ilmaha. Kaliya maxkamad ayaa siin karta qof haynta qolada sedexaad la yiraa.
Waa maxay Sababta aad u dooni haynta ilmaha ee qolo sedexaad?
Hadii ilmo aad gurigaaga ku hayso, helida haynta qolada sedexaadi waxa ay ku siin kartaa adiga:
- xaq aad ugu heli karto daryeel caafimaad, aad iskuul ku qori karto, aadna ilmaha ku siin karto guri ramsi ah oo amaan iyo xasilooniba leh
- habraac cad, oo ku saabsan waxyaabaha goobta ilmahu ku noolaanayo iyo waqtiga booqshada waalidka ee ilmaha sida uu noqon karo
- sugnaanta ah in waalidku aysan ilmaha degdeg isaga qaadan karin taa oo carqadaynaysa iskuulka iyo hawlaha kale, iyo dareenka xasiloonida ee ilmaha
- suurtagalida in kaalmo masaariif ah laga helo waalidka iyo
- awooda lagu ilaalin karo caafimaadka jirka iyo kan qalbiga ee ilmaha, hadii waalidku aysan siin karin ilmaha deegaan saxo iyo xasilooni ku dheehan tahay
Aadida Maxkamad
Hadii aad doonayso inaad codsato in laguu dhiibo qof kale ilmahii, waa khasab inaad cadeyso inaad ku leedahay “maslaxad” arrinta. Maxkamadu kaliya waxa ay eegtaa codsiyada haynta qolyaha sedexaad hadii qofku ku leeyahay “maslaxad” arrinta. Taa macnaheedu waa inaad cadeyso inaad tahay haye dhab ah ama daneeye qolo sedexaad ah.
Ma ahay haye dhab ah?
Waxaa aad tahay haye dhab ah hadii aad u cadeyn kartid si shaki la’aan in aad:
- ahayd asal ahaan qofka ilmaha daryeelayey
- Ilmaha waalidkood aysan shaqo ku lehayn daryeelka ilmaha iyo
- In 2 sanno ee ugu dambaysay ka hor inta aadan xareysan Dacwadaada uu ilmahu adiga kula noolaa iyadoon waalid uusan idin la joogin:
- ugu yaraan 6 bilood ee la soo dhaafay, hadii ilmahu ka yar yahay 3 sano jir ama
- Ugu yaraan 1 sanno hadii ilmahu uu jiro 1 sanno ama uu ka weyn yahay.
Tusaale ahaan: ilmaha aad ayeeyada/awoowada u tahay waa 2 jir. Gabadhaada ayaa waxa ay ku waydiisatay inaad u hayso wiilkeeda inta ay wax isku duwanayso. Hadda waxa uu kula noolaa wiilku muddo ka badan 6 bilood. Gabadhaadu adiga kulama noola, laakiin waxay idin soo booqataa dhowrkii biloodba mar oo waxay idin la joogtaa markiiba dhowr saacadood. Waxaa aad u heshay wiilka xarun xanaanada ilmaha ah, waxaad gaysaa balama dhaqtarada, waxa aadna hubisaa inuu quud iyo dharba helo uuna helo hoy xasiloon oo uu ku noolaado. Gabadhaadu ma bixiso kharashaadka baahida wiilka, ma ay caawin helida xarunta xanaanada ilmaha, mana gayso balamaha dhaqaatiirta. Kolkaa waxa aad tahay adigu haye dhab ah.
Tusaale ahaan: Wiilka aad eedada u tahay iyo gabadhiisa uu dhalay waxay kula noolaayeen adiga 2 sanno. Waxa aad haysaa gabadha maalintii inta uu shaqeynayo. Habeenada intooda badan guriga ayuu joogaa shaqada ka dib si uu ula joogo gabadhiisa uuna u seexiyo. Laakiin adigu waxa aad qabtaa inay tahay inuu gabadhiisa waqto badan siiyo maalmaha Sabtiyda iyo Axadaha ee uusan shaqeynayn. Ma bixiyo kiro, laakiin waxa uu u soo adeegaa reerka oo dhan waxa uuna bixiyaa dhamaan kharashaadka dharka, tooyada, iyo xarakaadka kale ee gabadhiisa. Kolkaa ma tihid haye dhab ah.
Cadeynta inaad tahay haye dhan ah ka sakow, waxaa kaloo khasab ah inaad u cadeyso maxkamada inay tahay “maslaxada ugu roon ee ilmaha” in aad adigu ilmaha hayso. (eeg hoos)
Ma ahay daneeye qolo sedexaad ah?
Waxa aad tahay daneeye qolo sedexaad hadii aad u cadeyn kartid si shaki la’aan ah inaad xiriir weyn la lahayd ilmaha ayna jiraan 1 ka mid ah arrimahan soo socdaa:
- In waalidka uu cidleeyey ama dayacay ilmaha ilaa ay gaartay arrintu heer ah in ay ilmaha waxyeelo u geysanayso la noolaanta waalidku.
- Ilmahu uu jir ahaan iyo qalbi ahaanba uu khatar ku jiro, sidaa awgeed, u dhiibida ilmaha adiga laguu dhiibayo waa in laga hormariyaa ilaalinta xaquuqda waalid ee ah inuu mar walba xiriir waalid la yeesho ilmaha ama
- Kolka ay jiraan daruufo kale oo qayrul-caadi ah.
Cadeynta inaad tahay daneeye qolo sedexaad ah ka sakow, waxaad kaloo khasab ah inaad u cadeyso maxkamada inay tahay “maslaxada ugu roon ee ilmaha” in aad adigu ilmaha hayso. Sidoo kale waa khasab inaad maxkamada u cadeyso inaad lagugu heli dambiyada qaarkood. Qaar ka mid ah tusaalooyinka dambiyaasi waa dilka, af-duubka, gacanqaadka, si cadowtinimo ah u ciqaabida ilmo iyo dayicida ilmo.
Kiisaska qolada sedexaad ah, sidee ayey maxkamadu u go’aansataa waxa ah maslaxada ugu roon ee ilmaha?
Maxkamadu waxa ay eegtaa arimahan soo socda si ay u go’aansato waxa ah maslaxada ugu roon ee ilmaha:
- Maxay rabaan dadka arrinta ku jiraa kolka ay noqoto haynta?
- Ilmahu muxuu rabaa? (hadii ay maxkamadu dareento in ilmahu gaaray da’a ku filan oo ku sheegan karo waxa uu doorka bidayo)
- Waa ciddee cida ilmaha asal ahaan daryeeshaa?
- Sidee ayey isugu dhow yihiin xiriirka ka dhaxeeya qof kasta oo weyn iyo ilmahu?
- Is dhexgalka ilmaha iyo qolo ama qolooyin, walaalo, ama cid kale kaa oo si weyn u saameyn kara maslaxa ilmaha
- La qabsiga ilmaha ee guriga, iskuulka, iyo beesha
- Muddo intee le’eg ayuu imahu ku noolaa deegaan xasiloon oo qaneecaad leh waase maxay faa’iidada sii wadida taasi?
- Sidee ayey u xasiloon tahay xaalada qoyska hadda ama guriga haynta ee la soo jeediyey?
- Caafimaadka jirka iyo kan qalbiga ee cid walba oo arrinta ku shaqo leh.
- Qolyahu ma siin karaan ilmaha jecayl, muxubo iyo hagid? Wax ma ku bari karaan kuna abababin karaan dhaqankiisa iyo diintiisa, hadii ay muhiim tahay taasi?
- Waxaa maxay dhaqanka ilmahu uu ka soo jeedaa?
- Waa maxay saameynta ay falalka tacadi haystahu ay ku yeesheen ilmaha, hadii dagaal qoyska dhexdiisa ahi uu dhex maray waalidka ama qolyaha kale?
Maxkamadu ma isticmaali karto hal arrin uun si ay u go’aansato haynta ilmaha ee qolo sedexaad. Waa khasab inay eegto mid kasta oo ka mid ah arrimaha ay sharaxdo sida ay u go’aansatay waxa ah maslaxada ugu roon ee ilmaha.
Sida nidaamka maxkamadu ku bilowdo?
Hadii aad cadeyn karto in aad tahay mid uun haye dhab ah ama daneeye qolo sedexaad ah, waxa aad bilaabi kartaa dacwo maxkamadeed. Marka hore waa khasab inaad ka xareysato maxkamad qoyska ee degmada ilmahu ku nool yahay ama ay horey uga jireen kiis hayn ama furaan ah oo ilmaha quseeya codsi aad ku dalbanayso Haynta Qolada Sedexaad. Hadii kiiska hayntu uu furan yahay oo wali socdo, waxa aad waydiisan kartaa maxkamada ogolaansho aad fara-gashan karto kiiskaa furan.
Waxaad ka heli kartaa foomamka aad u baahan tahay www.mncourts.gov (ingiriisi kaliya)
- Riix “Get Forms” (Hel Foomam)
- Riix “Child Custody / Parenting Time” (Haynta Ilmaha/Waqtiga Waalidka)
- Hoos tag “Establishing Third-party Custody of Someone Else's Child Forms” (Sameynta Haynta Qolo-sedexaad ee Ilmaha Qof kale). Hadii aadan hubin foomamka aad u baahan tahay, waxaa fiican inaad xulato [PACKET] [XIRMO] dhan ka dibna aad si taxadr leh u akhrido tilmaamaha.
Sidoo kale waxa aad ka heli kartaa foomamka maxkamada Rugaha Iskaa isu-Caawinta (Self-Help Center) ama maktabada sharciyada ee kuu dhow. Waxaa dhici karta inay jiri karaan khidmado la iska rabo si aad u hesho foomamkaa.
Maxaa dhici ka dib kolka aan ka xareysto codsiga Maxkamada?
Codsiga iyo warqada maxkamada, waa khasab in gacanta looga geeyo waalidka, mas’uulka ama waliga ilmaha. Laakiin, khasab kuma aha inaad adigu shakhsiyan gacanta uga dhiibto warqadaha waalidka. Hadii aadan aqoon waalidku meesha uu joogo, maxkamada waxaa dhici karta inay kuu ogolaato inaad ugu geyso warqadaha siyaabo kale, laakiin waa inaad ogolaansho waydiisataa maxkamada si aad taa u sameyso.
Kolka waalidka warqadaha loo geeyo, waa ay iska dhaga-tiri karaan kiiska ama waxa ay go’aansan inay ka dagaalamaan kiiska, ama inay taageeraan codsigaaga.
Hadii waalidku ay doonayaan inay ka dagaalamaan kiiska, waxa ay haystaan 21 cisho oo ay ku xareystaan Jawaab laga bilaabo maalinta ay heleen codsiga iyo warqadaha maxkamada. Waalidku waa khasab inay sidoo kale u geeyaan Jawaabtooda Arjiilaha (yaasha).
Maxaa dhici hadii waalidku aysan xareysan Jawaab?
Hadii waalidku ay go’aansadaan inay iska dhaga-tiraan codsiga, aysana xareysan Jawaab-celin amar xukmin ah ayaa la soo saari karaa. Amarka xukminta ahi waa go’aan kama dambays ah oo ay maxkamadu gaarto kolka qofku uusan imaan maxkamada.
In kastoo qolada kale aysan soo jawaabin, wali waa kugu khasab inaad maxkamad tagto si aad u tusto daliilahaaga ah inaad tahay haye dhab ah ama daneeye qolo sedexaad iyo inay tahay maslaxada ugu roon ee ilamaha in maxkamadu kuu xukunto haynta ilmaha adiga.
Maxaa dhici hadii waalidku ay rabaan inay ka dagaalamaan codsiga?
Hadii waalidku ay doonayaan inay ka dagaalaan codsiga haynta ilmahooda ah, dhowr dacwo dhagaysi ayaa dhici karta in la qabto si loo go’aansado inaad tahay haye dhab ah ama daneeye qolo sedexaad iyo inay tahay maslaxada ugu roon ee ilmaha in uu adiga kula joogo. Degmo kastaa waxa ay leedahay nidaam u gaar ah marka ay noqoto go’aansiga amuuraha haynta ilmaha.
Dacwada Koowaad: Inta badan, dacwada koowaad, maxkamadu waxa ay go’aamisaa inay ku jiraan codsigaaga akhbaar ku filan in kiisku uu horey u sii gudbo. Si horey loogu sii gudbo dacwada, maxkamadu waxay u baahan tahay inay sameyso “xukunto arrinta” “prima facie.” Taa macnaheedu waa maxkamadu waxa ay dib u eegtaa codsigaaga iyo wixii kale ee qoraalo ah ee aad maxkamad ka xareysay si ay u eegto inaad haysato daliilo kugu filan oo ka soo baxa shuruudaha uu sharcigu dajiyey ee ku saabsan haynta ilmaha e qolada sedexaad.
Tusaale ahaan: Codsigaaga waxaa ku yaal oraah guud oo oranaysa waa khatar in ilmahu uu la noolaado waalidkii, laakiin aadan bixin wax tusaalayaal ah oo khaas ah. Kolkaa waxay u badan in maxkamadu ay diido codsigaaga.
Hadii maxkamadu ay go’aamiso in codsigaaga uu leeyahay macluumaad ku filan oo ah in kiisku sii socdo, maxkamadu kolkaa waxaa dhici karta inay soo saarto amar ku meel gaar ah oo ku saabsan haynta, waqtiga waalidka ama kaalmada masaariifta ah ee ilmaha loo soo goynayo. Maxkamadu waxa kaloo dhici karta inay amarto qolyaha dacwadu ka dhaxeyso inay ka qayb galaan kulano dhex-dhexaadin ah.
Dhex-dhexaadin: Dhex-dhexaadintu mar walba waa jid wacan oo la isugu dayi karo in lagu xaliyo muranada ku saabsan haysashada ilmaha. Dhex-dhexaadiyahu waa qof loo carbiyey amuurahaa oo kale, labada dhinac ee kiiskana midna lama jiro. Dhex-dhexaadiyahu waxa uu ka caawiyaa qolyada dacwadu ka dhaxeyso inay isu soo dhawaadaan ayna ka wada shaqeeyaan xal. Waxa uu noqon karaa nidaam adag, laakiin waa maslaxada ilmaha in cid walbaa ay ka wada shaqeyso sidii loogu abuuri lahaa hoy amaan iyo xasilooniba leh ilmaha.
Dhex-dhexaadinta ka dib, maxkamadu inta badan waxa ay u qabataa dacwo dhagaysi dib u eegid ah si loo eego in wax heshiis ah la gaaray ama la gaari karo. Hadii qolyahu aysan heshiin karin, maxkamadu waxa ay u qabataa kiiska balan la yiraa balanta dacwada dhagaysiga daliilaha, sidoo kalena loo yaqaan doodid.
Dooda: Xiliga dooda, hadda waa khasab inaad cadeyso inaad tahay haye dhab ah ama daneeye qolo sedexaad ah, ayna tahay maslaxada ugu roon ee ilmaha inaad adigu lmaha hayso. Waxa aad horey u cadeysay in arrinta maslaxo ay kuugu jirto, hada waa inaad haystaa daliilo fiican oo aad ku cadeyn karto taa. Tusaalayaasha daliilaha waxa ay noqon karaan qoraalada iskuulka, qoraalada caafimaad, sawiro, ama fariimo dhambaalo (text) ah oo muujinaya in akhbaarta aad ku dhigtay codsigaagu ay run tahay.
Ka wadan hadii waalidku ay rabaan inay i siiyaan haynta ilmaha aniga?
Hadii waalidku ay ogolaadaan inay ku siiyaan haynta qolada-sedexaad ee ilmaha, wali waxa aad u baahan tahay inaad maxkamad tagto. U xaree uguna gee codsiga sida kor lagu sharxay ka diba sug waqtiga maxkamada. Kolka maxkamda la dhagaysanyo, adiga iyo waalidku waxa aad maxkamadu u sheegaysaan heshiiskiina haynta ilmaha ah ee aad wada gaarteen. Maxkamadu waxa ay go’aansan in heshiisku uu yahay maslaxada ugu roon ee ilmaha. Hadii ay maxkamadu go’aansato in wax walbaa ay hagaagsan yihiin, waxa ay ansixisaa heshiiska haynta ilmaha ee la gaaray. Arrintan marmarka qaarkood waxaa la yiraa amarka ogolaanshaha.
Maxkamadu waxa ay amartaa ku wajeejinta haynta la noolaanshaha iyo haynta sharciga ah ee ilmaha adiga. Amarku waa khasab inuu sheego inaad go’aansan karto waxyaabaha sida daryeelada caafimaad, diinta, iyo meesha uu ilmahu uu ku noolaanayo ama uu iskuulka ka dhiganayo. Sidoo kale waxa aad u heli kartaa akhbaar ku saabsan adeegyada dadweynaha ee ilmaha adigoo sidii waalid oo kale ah.
Amarka maxkamadu waa inuu sidoo kale yiraa in haynta qolada sedexaadi ay ku meel gaar ama ay mid rasmi ah tahay uuna bixiyo akhbaar ku saaban kaalmada masaariifta ilmaha iyo waqtiga waalidka.
Maxaa sameeyaa hadii ay jirto xaalad degdeg ahi?
Inta badan, waalidku dhib uma arkaan inay u ogolaadaan in daryeel-bixiyeyaali uu hayaan ilmahooda mar hadii aysan wax talaabo ah oo dhan sharciga ah aysan qaadayn. Tani waa ay is bedeli kartaa kolka loo geeyo warqado maxkamadeed oo qolo sedexaadi leedahay. Waxaa dhici karta inay xanaaqaan oo ay u yimaadaam si ay ilmahooda u kaxaystaan. Kama joojin kartid waalidku inay ilmahooda kaxaystaan hadii aadan haysan amar degdeg ah oo ku meel gaar ah oo haynta ilmaha ah.
Hadii aad ka baqayso in waalidku kuu yimaado oo kaa kaxaysto ilmaha, ayna taasi khatar noqon karto, waydii inaad heli karto amar degdeg ah oo ku meel gaar ah oo ku saabsan haynta ilmaha kolka aad xareysanayso codsiga haynta ilmaha ee qolada sedexaad. Tan waxaa sidoo kale la yiraa “falka “ex parte” “kala fogeynta.” Habka helida midi waa ay adkaan kartaa maadaama ay degmooyinku kala duwan yihiin, sidaa awgeed la hadal Rugta Iskaa isu Caawinta (Self-Help Center) ama Maamulka Maxkamada si aad akhbaar uga hesho.
Ma u heli karaa gargaarada dowladu bixiso ilmaha?
Hadii aad haysato haynta la noolaanshaha iyo mid sharciga ah ee ilmaha, kolkaa ilmaha waxaa loo arkaa inaad adigu mas’uul ka tahay. Kolkaa waa aad sheegan kartaa inaad mas’uul ka tahay kolka aad xareysanayso codsiga gargaarada dowladu bixiso. Hadii aad jaa dowlada manfac gargaar ah ka hesho, u sheeg haynta ilmaha waxaa dhici karta in manfacyada lagu siiyo ay kuu kordhaan.
Waxaa dhici karta inay jiraan manfacyo kale oo aad heli karto. Ka hubi hawl-wadeenkaaga.
Muddo intee ah ayey jiri haynta ilmaha ee qolada sedexaadi?
Amarka ansixinaya haynta ilmaha ee qolada sedexaadi waa mid rasmi ah. Hase yeeshee, qolyahu waxa ay codsan karaan maxkamadu inay bedesho amarka haynta ah ka dib kolkii uu jiray muddo sannad ah ayna ka soo baxaan shuruudo khaas ah. Taa waxaa la yiraa wax la bedelida haynta. Laakiin, ka helid maxkamadi inay wax ka bedesho hayntu ma sahlana. Habka sameynta wax ka bedelida haynta ilmaha ee qolada sedexaadi waxa uu la mid yahay kan wax ka bedelida haynta ilmaha ee waalidka ilmaha dhalay.
Eeg warqadayada xog aruurinta Aabanimada iyo Hayshada Ilmaha (Eeg Wax ma laga bedeli karaa haysashada?)