Codsigan marka ay mudadiisa soo xareyntu ay xirmaysaa waa u gooni wadan walba. Haddii aad gafto mudadda soo xareynta, la tasho qareen yaqaana sharciyadda laanta socdaalka. Si aad u ogaato marka ay soo xareynta codsigu xirmayso:
- Gal shabakada (website) USCIS: uscis.gov/humanitarian/temporary-protected-status
- Riix “Countries Currently Designated for TPS” (Wadamada Iminka Loo Aqoonsado Liiska TPS) si aad u aragto liiska.
- Dooro wadankaaga. “Mudada Isdiiwaangelintu” waa mudada soo xareynta ugu dambaysa haddii aad cusboonaysiinayso TPS kaaga.
Jaantuska warqadan xogta aruursan ahi waxa ay kuu sheegi waxa waqtiyada kala duwan ee shabakada macnahoodu yahay.
TPS Waxaa la Aqoonsaday ilaa: Maalinta TPS ku uu u dhamaado dadka wadankan. Tani waxa ay quseeysaa dadka codsanaya markii ugu horeeysay iyo dadka cusboonaysiinaya TPS kooda.
Mudadda Dib-isu-Diiwaangelinta: Maalinta ay khasabka tahay inaad cusboonaysiiso TPS kaaga. Wadan walba ma lahaan doono maalintan. Tan waxaa leh dadka jaa horey u lahaa TPS ka.
Mudadda isdiiwaangelinta: Maalinta ay khasabka tahay inaad codsato TPS haddii aad codsanyso markii ugu horeeysay.
Dukumiintiga Warqadda Shaqada (EAD) Waxa uu Iskii u kordhaa ilaa iyo: Haddii iminka aad haysato warqad shaqo, tani waa waqtiga ay shaqeynayso warqaddu. Waa inaad cusboonaysiiso warqadaada shaqada kolka aad cusboonaysiinayso TPS kaaga. Laakiin waa aad sii shaqeyn kartaa inta hawsha codsigaagu socoto. Tani waxay quseeysaa jaa dadka horey u leh TPS.
Sii waday degenaanta United States Ilaa: Waa khasab inaad ku noolayd wadanka United States ilaa iyo maalintaa si aad u codsato. Uma aad guuri kartid wadan kale ka dibna dib uma soo noqon kartid. Tani waxa ay quseeysaa dadka codsanaya markii ugu horeeysay iyo dadka cusboonaysiinaya TPS kooda.
Xaadir ku ahaanta wadanka United States Ilaa: Kaliya waxa aad u socdaali kartaa dibada wadanka United State ka safaro ‘gaaban, aan qasdi lahayn, iskana macno la’aan ah” ilaa waqtigan. Tani waxa ay quseeysaa codsanaya markii ugu horeeysay iyo dadka cusboonaysiinaya TPS kooda. Haddii aad dibada uga baxday wadanka (U.S.) wixii ka dambeeyey waqtigan, la tasho qareen sharciyada laanta socdaalka yaqaan ka hor codsiga martabada ilaalinta ku meelgagarka ah.
Taariikhda la Aqoonsaday TPS: Waqtiga Dowladda Mareykanku (U.S.) ay markii ugu horeeyey ku dartay wadankan liiska TPS. Tani waxa ay quseeysaa codsanaya markii ugu horeeysay iyo dadka cusboonaysiinaya TPS kooda.
Waqtiga Iminka ee Aqoonsiga TPS ka: Waqtiga Dowladda Mareykanku (U.S.) ay ka saartay wadankan liiska TPS ka. Wadan walbaa ma lahaan doono waqtigan. Tani waxa ay quseeysaa codsanaya markii ugu horeeysay iyo dadka cusboonaysiinaya TPS kooda.