Tusaale ahaan: Mateo Ogaysiiskiisa u Yeerida ah
Dowladdu waxaa laga yaabaa inay tiraa waxaa ku soo gashay United States sharci la’aan. Tusaale ahaan, Mateo waxa uu si sharci-darro ah uga soo gudbay xuduudka Maksiko kuna soo galay United States.
Santuukha #2 waa la calaamadiyey. “Waxaad tahay ajnabi ku sugan United States oo aan loo idmin ama loo saamixin.”
Wasaaradda Amniga Qaranka (Department of Homeland Security) waxa ay leedahay:
- Ma tahid muwaadin ama u dhashe United States.
- Waxaa tahay muwaadin maksikaan ah.
- Waxa aad timi kana soo gashay United States El Paso, Texas, bishii Janaayo 8, 2024.
- Laguuma idmin laguumana saamixin ka dib fatashid uu sameeyey mas’uul ka socda laanta socdaalka (immigration) inaad wadanka soo gasho.
Tusaale ahaan: Hani Ogaysiiskeeda u Yeerida
Dowladdu waxaa laga yaabaa inay tiraa waxaad ku soo gashay United States si sharci ah (sidda fiise ku meelgaar ah) laakiin hadda si sharci ah kuma joogtid halkan. Dowladdu waxaa laga yaabaa inay tiraa fiisahaagi ku meelgaarka ahaa waa uu dhacay mana aadan dalban helid sharci deganaansho rasmi ah. Waxaa dhici karta inay yiraahdaan ma aadan raacin xeerarka si aad u haysato fiisahaaga ku meelgaarka ah. Ama waxaa dhici karta inay yiraahdaan waxa aad geysatay dambi taa macnaheedu waa ma aad sii haysan kartid fiisahaaga ku meelgaarka ah. Tusaalahan, Hani waxa ay ku soo gashay United States ka fiise arday, laakiin waxa ay noqotay inay ka tagto iskuulkii lix bilood ka dib kolkii ay bilowday. Iskuul dhigashadu waa mid ka mid ah shuruudaha sii hayshadeeda fiisaheeda ardayga.
Santuukha #3 ayaa la calaamadiyey. “Waxaa laguu ogolaaday soo gelid United States, laakiin waa lagaa saari karaa iyadoo la cuskanayo sababaha hoos ku xusan.”
Wasaaradda Amniga Qaranka (Department of Homeland Security) waxa ay sheegaysaa in:
- Aadan ahayn muwaadin ama u dhashe wadanka United States.
- Waxaa tahay muwaadin Soomaali ah.
- Waxaa lagu siiyey fiise arday bishii Luulyo 1, 2023.
- Waxaa lagaa siiyey ogolaansho ah inaad United States ka geli karto Gegida Dayuuraha ee John F. Kennedy, ee Newyork – 4701 bishii Agoosto 15, 2023 on August 15, 2023.
- Iminka iskuul kama aad diiwaangashanid. Ma aadan fulin shuruudihii fiisahaaga ardaygu uu lahaa.