Maya! Waxaad guuri kartaa oo kaliya haddii aad oggolaasho ka haysatid waalidkaa ama qofka sharci ahaan ku haya, aad tahay 18 jir, guursatay, ku biirtay ciidammada, ama aad haysatid amar maxkamadeed.
Haddii aad ka yar tahay 18 sano jir oo aad guurtid, waxaa laga yaabaa in aadan helin MFIP, ka-soo-reebid baase jirta. Eeg warqaddayada xogururiska waalidka 18 jir ka yar, Barnaamija MFIP ee Waalidiinta da’doodu ka yartahay 18 sano. Sidoo kale, la hadal shaqaalahaaga maaliyadda.
Waxa aad xaq u leedahay inaan lagugu tacadiyinin. Haddii adiga ama ilmahaaga loo gaysanayo waxyeello ama wax idin gaaraan, waxaad leedahay xuquuqo gaar ah. La hadal qareen.